Ciidamada dawlada KMG Soomaalia ayaa maanta rasaas ooda Kagaqaaday kaam kuyaal magaalada Muqdisho

March,4,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee March,4,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Ciidamada dawlada KMG Soomaalia ayaa maanta rasaas ooda Kagaqaaday kaam magaalada Muqdisho dad qaxooti ah raashin loogu Qeybinaayay
 
 
Ugu yaraan 3 Ruux ayaa Kugeeriyootay 2 kalana waa ay ku Dhaawacmeen Kadib Markii Ciidamo Katirsan Kuwa Dawlada KMG Soomaalia ay Rasaas Kufureen Goob Raashin Loogu Qaybinaayay Dad Barakacayaal ah oo kusugan Xero Qaxooti oo kutaala Dagmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho.
 
 
Rasaastaan ay Fureen Ciidamada Dawlada KMG Soomaalia Ayaa waxa ay kadanbaysay Kadib markii Goob Raashin loogu Qaybinayay Dad barakacayaal ah ay Dhac iyo Boob ay u Gaysteen Kooxo Burcad ah oo aan la aqoonin Haybtooda, Kadib waxaa Goobta Soogaaray ciidamo Katirsan Kuwa Dawlada KMG Soomaalia Aydoo ay Rasaas kufureen Dadkii Goobta Joogay taas oo sababtay Dhimashada 3ruux iyo Dhaawaca 2 kale Dadkii Halkaas Kudhaawacmay ayaa waxaa kamid ahaa Qof haween ah oo katirsan dadkii halkaas Cunada Loogu Qaybinaayay oo ahaa Barakacayaal Kasoo Barakacay Deegaanada Kale Ee Katirsan Gobolka Banaadir.
 
 
Sikastaba Ha ahaatee Ma ahan Markii Ugu Horeeysay oo Ciidamo Katirsan kuwa Dawlada KMG Soomaalia Rasaas ceynkaan oo kalaa ay kufuraan Dad meel Isugu yimid taas oo sababta Dhimasho iyo dhaawac Soogaara Dadka Rayid ka ah.
 
 
Ibraahim Guule Isxaaq
Hobyo Radio Magaalada Muqdisho


By Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Galmudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

 

Daawo Video laga soo duubay

Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com