Waxaa wili si habsami leh oga socda gobalka mudug iyo nawaaxigiisa Dabaaldaga maalinta dhalashada nabigeena {N.N.K.H}.
March,3,2010
www.Hobyoradio.com
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso
Waxaa wili si habsami leh oga socda gobalka mudug iyo nawaaxigiisa Dabaaldaga maalinta dhalashada nabigeena {N.N.K.H}.
Waxaa wili kacoconaya gobolkan Mudug xaflado waaween oo loogu dabaaldagayo Dhalashada nabigeena N.N.K.H oo lagu jiro bishii uu dhashay.



Xaflad siheer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana ay ka soo qeyb galeen dad aad Ufarabadan ayaa maantay waxaa lagu qabtay howlka dugsiga H/dhexe ee Al:bader xafladan oo loogu dabaal dagayay dhalashada rasuulkeena maxamed {N.N.K.H}.


Xaflada ayaa waxaa kasooqeyb galay dhamaan qeybaha bulshada oo ay kamidyihiin Culuma-udiin,macalimiin,Arday,waalidiin iyo marti sharaf kale oo soo jeediyay qudbado aad oga hadlaya laga soo bilaabo dhalashadii nabiga ilaa dhimashadiisii waxyaabihii uu lasoo Kulmay.

Qabanqaabada xafladan loogu dabaaldagayo dhalashda rasuulka ayaa waxaa iska lahaa Iskuulo sadex ah oo kala ah Dugsiga sare ee S.Y.l,D/hose dhexe ee Albader iyo machadka Fatxurraxman oo dhamaantood ku yaal magaalada Galkacyo iyagoona horay usoo xusi jiray.
Shiikh Axmed barre gurey oo isagu dadka qudbad ka hadleysa qilaafka kajira udabaal-daga Maalinta dhalashada nabiga N.N.K.H ayaa waxa uu sheegay in ay tahay maalintaasi mid loo dabaal dago oo ay oga dayanayaan Allah oo udabaal dagay markii uu dhalanayay nabigu.
Guntii iyo gunaanadkii xaflada ayaa waxa ay kusoo afmeerantay qaablagu dagan is lamarkaan ay dadku uwada riyaaqeen.
Ceydiid Maxa'ed Cali {jubba}
ceydiid114@hotmail.com

By Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Galmudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

Daawo Video laga soo duubay
Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula
