|
Wafti kasocda UN-KA qaybta Amniga iyo UNOCHA oo kurmeer ku maray wada dheer ee udhaxaysa Galkacyo iyo Hobyo ee Galmudug
March,24,2010
www.Hobyoradio.com
Waraysigii
Abwaanada
Dhoofa
Khaliif
Halkan
ka
Dhagayso
Hees Cusub fanaanka Gaadaco oo lamagacbaxday Deeqa-
Dhagayso

Warmurtiyeedkii
C/aziz
iyo
C/qadir
halkan
ka
Dhagayso

Wafti kasocda UN-KA qaybta Amniga iyo UNOCHA oo kurmeer ku maray wada dheer ee udhaxaysa Galkacyo iyo Hobyo ee Galmudug














Wafti kasocda UN-KA qaybta Amniga iyo UNOCHA oo kurmeer ku maray wada dheer ee udhaxaysa Galkacyo iyo Hobyo ee Galmudug
Wafti balaaran oo uu hogaaminayo wakiilka u qaabilsan UN-ka dhanka amniga Mr. Vimto iyo Haweenay kasocota Unocha ayaa soo gaaray xarunta Galmudug ee magalada Galkacyo, Waftiga ayaa u yimid sidii ay u qiimayn lahaayeen xaalada amni ee kajirta deegaanada Galmudug.
M/weynaha dowlad goboleedka Galmudug G/le sare Max’ed Ahmed Caalin iyo wasiirkiisa Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamka Dr. Cumar Maxamuud Max’ed ayaa kulan layeeshay waftiga kasocda UN-ka ayagoo oga waramaya xaaladaha kajira deegaanada Galmudug ayay sheegeen inuu kajiro amni laisku halaynkaro dhulka ay kataliso Galmudug. M/weyne Caalin ayaa waftiga soo dhaweeyay islamarkaana u sheegay in ay safarka kormeerka ay kumarodoonan gobolada Mudug iyo Hobyo ay ku wehelindoonaan wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Mr. Ahmed Dheere iyo wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamka Mr. Cumar Suri.
Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamka Dr. Cumar Suri iyo Wasiirka Amniga Galmudug mudane Ahmed Dheere ayaa galbiyay waftiga balaaran ee kasocda UN-ka iyo Unocha ayagoo socod ka bilaabay magalada Galkacyo waxayna mareen deegaanada Docol, Wargalo, Galbarwaaqo, Xiro-dhagaxleey, Ceelguula, Ceeldibir, Afgaduudle, Wasil, Gawaan iyo degmada Xays magaaladiisa Hobyo ee gobolka Hobyo..
Dadweynaha kudhaqan deegaanada ay mareen madaxda Galmudug iyo waftiga UN-ka iyo Unocha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay, Waxayna waftigu qiimaynayeen dhanka Amniga oo ay booqdeen xarunta booliska, Isbitaalada iyo iskuulada, Waxay sidoo kale la kulmeen madaxda deegaanka, doqowda iyo masuuliyiinta maamulka iyo amniga deegaanada aan soo sheegnay.
Madaxda iyo dadweynaha degmada Ceelguula ayaa waftiga si diiran loogu soo dhaweeyay waxayna booqdeen xarunta maamulka degmada, saldhiga ciidamada, Xabsiga magalaada, isbitaalka guud iyo dugsiga H/dhexe ee magalada Ceelguula ayagoo oga mahadcelyay sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyay magaladaasi Ceelguula waxay balan qaadeen inay ka taakulayn doonaan dhanka amniga. Mr. Vimto ayaa yiri reer Ceelguula waa dad u diyaar ah inay waxqabsadaan anaguna waxaan inta badan wax la qabanaa dadka u diyaarka ah in wax lala qabto sidaa awgeen waxaan inka taakulayndoonaa dhanka ciidamada booliska iyo xabsiga oon dhisno, Waxaa ayana halkaasi kahadashay haweenay kasocota Unocha oo sheegtay inay wax wanaagsan ku aragtay Ceelguula ayna wax la qabandoonto dhankeeda.
Waftiga ayaa marayay magaalooyinka yar yar balse ku hakanayay dagmooyinka sida Ceelguula, Ceeldibir, Wasil oo ay kula kulmeen madaxda dagmada iyo dadka deegaanka waxayna sidoo kale booqdeen xarumaha ciidanka, Xabsiga iyo saldhigyada booliska ee Ceeldibir iyo Wasil.
Madaxda Galmudug iyo waftiga UN-ka iyo Unocha ayaa ugu dambayntii gaaray degmada Xays ee magaladaasi Hobyo ee gobolka Hobyo ayadoo si diiran loogu soo dhaweeyay, Waxayna joogeen laba maalin iyo habeen ayagoo la kulmay madaxda gobolka, taliska ciidamada, odayaasha dhaqanka, dhakhatiirta iyo kalkaalisoonyinka isbitaalka guud iyo macalimiinta iskuulka, Waxay ku hormareen saldhiga iyo xabsiga dhexe ee magaladaasi Hobyo. Taliyayaha ciidamada gobolka Hobyo Farabadan ayaa heegangaliyay ciidamada booliska iyo daraawiishta ee Hobyo wuxuuna kormeer ku marsiiyay xabsiga dhexe, Airpoorka Hobyo iyo suuqa magalada Hobyo.
Wafiga Un-ka iyo Unocha ayaa codsaday in la geeyo xeebta Hobyo oo ah xeebaha ugu quruxda badan aduunka waxayna sida sawirada aad ku aragtaan ku sugnaayeen waqtibadan xeebta, ayadoo cimilada Hobyo ay tahay mida ugu wanaagsan gayiga Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa cimilo aan aad u kululayn xiliga habeenkiina leh qabow aan sidaasi u badnayn.
Ugu danbayntii Waftiga ayaa kusoo laabtay magalada Galkacyo ayagoo faraxsan indhahooda kusoo arkay dhul uu amni kajiro iyo dadweyne u diyaar ah inay waxqabsadaan, Waxaana lafilayaa inay la kulmidoonaan M/weynaha dowlad goboleedka Galmudug G/le sare Max’ed Ahmed Caalin.
C/aziz Xogolof
Kala xiriir idaacada
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|