Shir maanta Kadhacay madaxtooyada dawlada Galmudug ayaa looga hadlayay sidii loo xoojinlahaa amaanka deegaanada dawlada Galmudug ay kataliso.
Feb,28,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso
wararki
Idaacada
Hobyo ee
Feb,28,2010
Dhagayso
Shir maanta Kadhacay madaxtooyada dawlada Galmudug ayaa looga hadlayay sidii loo xoojinlahaa amaanka deegaanada dawlada Galmudug ay kataliso.
Shir aad u balaaran ayaa maanta Kadhacay Madaxtooyada Dawlad Gobaleedka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo Shirkaasi oo ay soo xaadir ku ahaayeen Dhamaan Madaxda Dawlada Galmudug.
Shirka markuu Soo gabagaboobay Ayaa Waxaa Idacadda Hobyo ugu Warbixiyay Kuxigeenka Wasiirka Warfaafinta Dawlad Gobaleedka Galmudug ahna Afhayeenka Galmudug Mudane Axmed Maxamuud Xasan {Axmed Baasto}
Waxaa Xarunta Madaxtooyada Galmudug State Lagu Qabtay Shir aad u Balaaran oo ay Kasoo qayb galeen Golaha Wasiirada Dawlada Galmudug Golaha Baarlamanka Dawlada Galmudug iyo Dhamaan Madaxda Dawlad Gobaledka Galmudug Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Xasan Faarax Bare oo uu Shirgodoominaayay Madaxwaynaha Dawlada Gobaleedka Galmudug State, waxa uu Shirkaas Kusaabsanaa Loogana Hadlay Arimaha Amniga Dawlad Gobaleedka Galmudug Halka uu marayo Gobolada iyo Dagmooyinka oo uu Soo jeediyay Wasiirka Amniga ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlad Goboleedka Galmudug State Mudane Axmed Xaashi oo soobandhigay Amniga Marxaladaha uu kusuganyahay Qirayna in Dhamaan Gobolada iyo Dagmooyinka Dawlad Gobaleedka Galmudug ay kajiraan Amni La isku Halaynkaro, Dhamaan Madaxdii iyo Masuuliyiintii Halkaasi waxay Kasoojeediyeen U kuurgalka iyo Dabagalka Hayadaha Samafalka Gobolada iyo Dagmooyika Sida ay wax ugu Qabtaan, waxaa Shirkaas Baaq loogu Jeediyay Dhamaan Ciidamada Dawlad Gobaleedka Galmudug State inay Xoojiyaan Dardargaliyaan Arimaha Amniga Si ay Galmudug u gaarto Horumar iyo Amaan La isku halayn karo Mudooyikii ugu Danbeeyay ayaa Kulamo Muhiim ah waxaa yeelanaayay Madaxda Galmudug kuwaasi oo mira fiican ay kadhalan doonaa"
Sidookale Kuxigeenka Wasiirka Warfaafinta Dawlad Gobaleedka Galmudug ahna Afhayeenka Galmudug Axmed Maxmuud Xasan {Axmed Baasto} waxa uu Sheegay in Goordhaw ay ku soo fooleedahay Sanad guuradii Ciidanka Dawlad Gobaleedka Galmudug Dhoolatusna ay sameydoonaan Ciidanka Dawlad Gobaleedka Galmudug.
Isku soo wadaduuboo Waa markii Ugu Horaysay ee Shir Amniga Looga hadlaayo laqabto Tan iyo markii uu Xilka Madaxwayne qabtay Mudane Maxamed axmed Caalin.
Duraan Maxamed Maxamud
Hobyo Radio Gaalkacyo Galmudug Soomaalia

Daawo Video laga soo duubay