![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Dadka dagan deegaano katirsan Gobolka Hobyo oo ka cabanaya dhirta deegaankaasi oo Jaris lagu Hayo.
Feb,26,2010 www.Hobyoradio.com
Dadka dagan deegaano katirsan Gobolka Hobyo oo ka cabanaya dhirta deegaankaasi oo Jaris lagu Hayo. Degmada Wisil ee Gobolka Hobyo iyo deegaano hoos yimaada ayaa dadka kusugan waxaa kasoobaxaysa qaylo dhaan ay kamuujinayaan dhirta oo jaris ba an lagu hayo Dad dhuxul shitayaal ah ayaaba baryihii lasoo dhaafay kusiibadanayey deegaanada Gobolka Hobyo waxaana dadkaasi ay haatan sameeyeen howlo xad dhaaf ah oo ay kujarayaan dhirta waxaana arintaasi haatan walaac farabadan ka muujiyey dad deegaanka oo ayagu ah xoolo dhaqato kunool agagaarka degmada Wasil ee gobolka Hobyo Dad kayimid deegaanka lulubshe oo hoostagta Wisil ayaa soogaaray xarunta Warbaahinta Hobyoradio iyagoona halkaasi kusoo bandhigay sida deegaankooda looga jaro dhirta waxayna maamulka kacodsadeen in arinkaasi wax laga qabto Deegaanada Galmudug ayaa hada waxaa kusoo badanaya dadka dhirta jaraya kadibna ayadoo dhuxul ah ka dhoofinaya dalka, maamulka Galmudug ayaa lafilayaa inuu warcad kasoo saaro jarista dhirta, gobolada waqooyi galbeed iyo waqooyi Bari ee Somaliya ama Puntland Iyo Soamliland ayaa laga mamnuucay jirista dhirta waxaanse Galmudug ilaa iyo haatan aan laga hirgalin amar ku aadan in aan lajarin dhirta oo nolsha dadka iyo duunyada looga maar min .
W/D Rooble Maxamed Dirir Email Rooble771@Gmail.com
Daawo Video laga soo duubay
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||