Shacabka kudhaqan magaalada Gaalkacyo oo siweyn u  soo dhaweeyey hadal dhawaan kasoobaxay madaxweyne Maxamed Axmed Caalin

Feb,26,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee Feb,22,2010 Dhagayso

Shacabka Kudhaqan Magaalada Gaalkacyo oo Siweyn u  Soo dhaweeyey Hadal Dhawaan Kasoobaxay Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin

 

 

 

 

 

 

Shacbiga Kudhaqan Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug ee Dowlad Goboledka Galmudug ayaa siweyn u soodhaweeyey hadal dhawaan kazoo baxay madaxweynaha Dowlada Galmudug Kaasi oo ahaa in Maamulkiisu uu furayo Dekada Hobyo

Dadweyne aad u farabadan islamarkaasina kaqayb qaadanayey Barnaamijka Dood Furan ee Idaacadda Hobyo ayaa sheegay in ay aad u gu faraxsanyihiin warka kasoobaxay madaxtooyada Galmudug ee  ku aadan furitaanka marsada Hobyo eeDowlad Goboleedka Galmudug

Sidookale dadkan ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug ay u gu hanbalyeynayaan howlahaan wanaagsan ee maamulkiisa uu kubilaabay waxaana ay ugu baaqeen ganacsada kala duwan ee Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa Galmudug in ay wax kasoodagsadaan xeebta Hobyo

Sikastaba ha aahtee Arintaani ayaa imaanaysa xili inta badan deegaanada Galmudug ay kajirin dekad rasmi ah oo ay wax ooga soodagan waxna ay kaga dhoofaan shacbiga Dowlad Goboleedka Galmudug

W/D Rooble Maxamed Dirir

Email Rooble771@Gmail.com


 

 

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com