Saxaafadda GalMudug ka hawl gasha oo lagu amaanay hawsha adag ee ay bulshada uhayaan

Feb,25,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee Feb,22,2010 Dhagayso

Saxaafadda GalMudug ka hawl gasha oo lagu amaanay hawsha adag ee ay bulshada uhayaan iyo Hanjabaad lagu hayo Suxufiyinta,

Qaybo badan oo katirsan shacabka ku dhaqan deeganada Dawlad Goboleedka GalMudug ayaa markii Ugu horaysay Amaan usoo jeediyay Inta badan Saxafiyiinta ka hawl Gasha deegaanada Dawlad Goboleedka GalMudug State

Shaqsiyaad magac ku leh bulshada reer Galmudug oo xiriiro kala duwan nala soo sameeyay waxa ay sheegeen in Amaan iyo bogaadin ay mudan yihiin milkilayaasha warbaahinta ee ka furan Gobolka Mudug gaar ahaan GalMudug & Sidoo kale saxafiyiinta ka hawl Gasha oo in badan sameeyay dadaal iyo Garti ay ugu adeegayaan shacabkooda xili aysan jirin cid ku taageerta

Wax garadka Gobolka Mudug waxa ay xuseen in ay bahada sxaafaddu ay deegaanada Galmudug Hor’umrka ka muuqda ay hor’muud uyihiin suxufiyinta oo har iyo habeen utaagan  Gudbinta wararka iyo barnamijyada Nabadda iyo hor’mrka ah

Waxa ay xuseen cuqaal iyo aqoonyahano ka hadalay hawsha Saxaafadda in ay jiraan qaar suxufiyinta ah oo leh dhaliilo kuwaasi oo mar marka qaar hawshooda saxafinimo ku badasha dantooda Gaarka ah ayna dhacdo in ay qoraan warar dhibaato ku ah dadka iyo deegaanada Gobolka Mudug waa sida wax garadkaani oo Magacooda codsaday inaan saxaafadda laga baahin

Ugu danbayntii waxaa ay bulshadu baaq udireen dhamanba suxufiyinta deeganada Galmudug inay samaystaan Dalad ay ku midaysanyihin si looga fogaado wixii dhibaato ukeeni kara deeganka iyo suxufiga qudhiisaba  ay bahda warfidiyeenadu wada shaqayn yeeshaan

Si kastaba waxa ay hadalada ay jeedinayaan bulshada ku soo beegmayaan xili xarumo warbaahin oo badan ay deeganada Galmudug Gaar ahana Galkacyo ka Hawl Galaan iyo waliba suxufiyiin warbahinta ka shaqaysa

Waxaana sidoo kale jira in dhibaatooyin ay suxufiyiintu mudadadii ay shaqada ku jireen ay lakulmeen taasi ay ka mid tahay qarxyo loo gaystay xarumaha warbaahinta gaar ahaan idaacadaha iyo Han-jabadyo waqtigaan loo jeedinayo suxufiyin Magac ku leh bulshada dhexdeeda loona sheegay in la dilayo haddii aysan ka faaruqin Hawsha ay hayaan

Wariye: Cabdalla M.C/lle

Galkacyo GalMudug SOMalia

Cabdalla45@hotmail.com


 

 

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com