Madaxwene Caalin oo Sheegay in bisha Marso ee fooda nagu soohaysa lafurayo marsada magaalada Hobyo ee gobolka Hobyo

Feb,25,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee Feb,22,2010 Dhagayso

Madaxwene Caalin oo Sheegay in bisha Marso ee fooda nagu soohaysa lafurayo marsada magaalada Hobyo ee gobolka Hobyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Danjire Maxamed Axmed Caalin oo Shirka raa id kuqabtay magaalada Gaalkacyo ayaa shaaca kaqaaday in dhawaan Ooda Laga Qaadayo Dekada Hobyo waxaana arintaasi ay kadanbaysay kadib markii Bulshada Iyo Ganacsatada Galmudug ay kacowdeen Dekad la aan xiligaan haysa

 

Sidookale madaxweynaha ayaa shirkiisa jaraaid ku sheegay in  dekada ay noqondoonto mid aanan laga dhoofin dhucusha taasi badalkeeda aan laga soodajinkarin waxyaalaha kontorobaanka ah ee kaladuwan sida hubka sharcidarada ah iyo Maandooriyaha

Madaxweyne Caalin ayaa waxaa uu ku amray ciidamada Amaanka in ay gacanta kusoo dhigaan kooxaha kuhaysta xeebaha Somaliya Lamaane Ingiriiska U dhashay waxaana uu ugu baaqay kooxda burcada ah in ay iska soodaayaan dadkaasi hadii kale madaxkeeda ay lakulmi doonaan tilaabo adag oo sharciga waafaqsan

Waa markii Ugu horeysay ee Mdaxwene Caalin uu ku dhawaaqo in ay furidoonaan marsada Hobyo waxaana marsadaasi ay tahay mid qadiimi ah islamrkaasina caan ah waxaana dadbadani ay hadal hayaan sida maamulka uu ugu guulaysan karo tilaabadaasi aan lafilankarin, waxaana looga fadhiyaa maamulka iyo Ganacsatada furida maarsada degmada Xays ee gobolka Hobyo

W/D Rooble Maxamed Dirir

Email Rooble771@Gmail.com


 

 

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com