Madaxwaynaha Dawlad Gobaleedka Puntland oo maanta Soo Gaaray Magalada Garowe Ee Xarunta Puntland

Feb,22,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee Feb,22,2010 Dhagayso


Madaxwaynaha Dawlad Gobaleedka Puntland oo maanta Soo Gaaray Magalada Garowe Ee Xarunta Puntland
 
 
Madaxwaynaha Dawlad Goboledka Puntland Mudane C/raxmaan Maxmed Maxamud Faroole Ayaa Barqanimadii Saakay soogaaray Magalada Garowe ee Caasimada Dawlad Goboledka Puntland, Madaxwaynaha iyo wadi uu hugaaminaayo oo kayimid Dhanka Jabuuti ayaa Safarkiisa Kuwehliyay Qaar katirsan Wasiirada iyagoo Kasoodagay Garoonka Kanoka ee u Dhaw Magalada Garowe.
 
 
Madaxwaynaha oo soogaaray Madaxtooyada ayaa Shirjaraa'id U qabtay Saxaafada Asgoo hadlayana Waxaa Hadaladiisii kamid ahaa" Dhamaan Waan Salaamayaa Shacabka Sidookale Saxafada Safar Shaqo ayaan ku Maqnaa waxan ku howlaneyn sidii loo Hormarinlahaa Xaga Amaanka iyo Hormar sidii loo Samaynlahaa Masuuliyiin Badan oo Dawlada Jabuuti ah ayaan lakulanay Arimo Dhawr ah ayaan Kalahadalnay Waana Islameel Dhignay"
 
 
Madaxwaynaha oo Safarkiisa Soo Gaba Gabeeyay Ayaa Saakay Barqanimadii Soogaaray Magalada Garowe Madaxwaynaha Ayaa Lafilayaa Inuu Kaga warbixiyo Mudanayaasha Baarlamaanka Safarkiisa waixii u sooqabsoomay.
 
 
Wariye Xasan Cusmaan {Afgooye}
Radio Hobyo Gobolka Nuugaal Garowe


 

 

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com