Dhalinyarada ku dhaqan magalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellada Dhexe ayaa Kacabanaya Shaqo la'aan baahsan oo soo wajahday

Feb,21,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee Feb,21,2010 Dhagayso

Dhalinyarada ku dhaqan magalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellada Dhexe ayaa Kacabanaya Shaqo la'aan baahsan oo soo wajahday iyagoo sheegay inay isagatagayaan Dalka.
 
 
 
Dhalinyara ku dhaqan magaalada jowhar ayaa waxay kacabanayaan shaqo la'aanta baahsan Ee kajirta dalka somaaliya oo aan colaadaha aan joogsiga laheen ee kasoconaya qeybo kamid ah dalka soomaaliya ay sabab katahay iyadoona aan xiriir lasameeyay dhalinyaro farabadan ayay waxey Noosheegeen in ay dalkooda oga haajirayaan dhibaatada kataagan owgeed.
 
 
Mar aan mid kamid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa Idacadda Hobyo xafiiska Jawhar ugu waramay xaladiisa Shaqo iyo in uu katagayo dalka Soomaalia "waxaan nahay dhalin yarada ku dhaqan Magaalada jowhar waxaana kamid ahay Dhalinyarada shaqo la'aan ay ku heysato magaalada sidaas ayaan go'aan keeno yahay in aan ka haajirno somaaliya oo aan u anbabaxno goob ka amaan iyo shaqo fiican ".
 
 
Sidookale waxaan wax kaweediiyay waxyaabaha sababay in uu katago dalkiisa hooyo uuna aado dal shisheeye waxa uuna ku jawaabay"waxaan uga Tagayo waa Shaqala'aan oo kaliya Hadii aan shaqo mustaqbalkayga Dhisikarta aan heli lahaa waan joogi lahaa hada waxaan dalkale u aadayaa waa shaqo la'aan ihaysa"
 
 
Sikusoo wadaduub Dhalinyarada Kudhaqan Magaalada jowhay Ayaa waxa ay kacabanayaan Shaqo la'aanta kuhaysata magalada Jowhar Dhalinyaradaan Shaqala'aanta kuhayso gudaha Magalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellada Dhexe ayaa ah kuwo aad u Farabadan.
 
 
Maxamed Amiin C/laahi Isxaaq
Hobyo Radio Gobolka Shabellada Dhexe Jawhar
ugaascadde12@hotmail.com

 


 

 

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com