Kulamo looga hadlaayay sida ay uga howlgalilahaayeen shirkadaha Diyaaradaha magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa lagu Qabtay Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Feb,21,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee Feb,21,2010 Dhagayso

Kulamo looga hadlaayay sida ay uga howlgalilahaayeen shirkadaha Diyaaradaha magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa lagu Qabtay Xarunta Maamulka xubin iyo xeeb.
 

 
Kulankan ay maanta caasimada Maamulka Ximan iyo xeeb ee Cadaado ay ku yeesheen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Ximan iyo xeeb iyo Qaar ka mida Shirkadaha Duulimaadka Waxa ayna ka wada hadlaayeen sidii shirkadaha Duulimaadyada uga hawlgali lahaayeen Magaalada Cadaado si loogu Fududeeyo Duulimaadka Shacabka ku dhaqan caasimada Ximan iyo xeeb.
 
Kulamadani ayaa waxaa lagu lafagurayaa sidii ay diyaaradaha ugu soo Degilahaayeen Magaalada Cadaado islamarkaasna ay u qaadi lahaayeen dadka rakaabka ah ee ka kicitima Magaaladan cadaado ee caasimada u ah maamulka Ximan iyo xeeb oo la sheegayo in ay ku soo badanayaan dadka isticmaala ama adeegsada Duulimaadka diyaaradaha sida uu U xaqiijiyay hobyoraadio G/ku xigeenka degmada cadaado c/laahi macalin isagoona sheegay in lagu gorfeeynaayo sida ugu haboon ee uga howlgali karaan shirkadaha Diyaradaha Magaalada Cadaado.
 
 
Dhinaca kale urur dhalinyaro oo ka jira gudaha magaalada Cadaado ayaa waxa ay warbixin ka siiyeen idaacada hobyoradio xafiiskeeda magaalada cadaado in ganacsatada ay bilaabeen in ay hirgaliyaan barnaamij cusub oo ay ugu magac dareen ka Taageer kaas oo Dhaqaale loogu aruurinaayo maamulka xubin iyo xeeb si wax loogu qabto dhinaca Nabadgalyada,waxbarashada,caafimaadka.
 
 
sikastaba ha'ahaatee dhaliyaradaan ayaa sheegay in ay raadinayaan Taageere Dhaqaalle xili maamulka uu sheegay in uu dadaal u galaayo sida uu u horamarin lahaa Deegaanada maamulka ximan iyo xeeb,arintan oo ay wadaan Dhalinyarada ku Dhaqan Magaalada Cadaado ayaa waxaa soo dhaweeyay Qaybaha bulshada ku dhaqan Maamulka Ximan iyo Xeeb.
 
 
Cumar Nuur xabeeb ( Cumar Theacher )
Hobyoradio Gobolka Galgaduud Cadaado

 

 

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com