Ururada islaamiyiinta ah ee ka arimiya magaalada Baladweyne oo soo bandhigay Nin ay ku sheegeen inuu kasoo goostay dhanka dawlada KMG ee Soomaalia.
Feb,20,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso
wararki
Idaacada
Hobyo ee
Feb,20,2010
Dhagayso
Ururada islaamiyiinta ah ee ka arimiya magaalada Baladweyne oo soo bandhigay Nin ay ku sheegeen inuu kasoo goostay dhanka dawlada KMG ee Soomaalia.
Ninkaan ayaa waxa soo bandhigay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam, Ninkaan lasoo Bandhgay ayaa waxa lagu magacaabaa C/qaadir Afdhuub Makaraan.
C/qaadir Afdhuub makaraan ayaa waxa uu ahaa Sarkaal Xilal Kaladuwan Kasoo qabtay Dawlada soomaalia waxa uu Na xiligii ugu danbeeya ahaa Isku duba ridihii dawlada hoose ee Gobolka Hiiraan ee Dawladii hore ee C/laahi Yuusuf.
C/qaadir Afdhuub makaraan ayaa Sheegay inuu katuubad Keenay Danbi uu sheegay inuu kagalay dalka iyo Diinta, Isagoo ugu Baaqay Dadka xaaladaha Amaan ugu maqan Gobolka Hiiraan inay Soo laabtaan oo ay toobad keenaan lana Shaqeeeyaan Maamulka Islaamka, markuu warbaahinta lahadlayay ayuu yiri" anigoo ah C/qaadir Afdhuub Makaraan Isku dubaridii Dawlada hoose ee Gobolka Hiiraan Xiligii uu madaxwaynaha ahaa C/laahi Yuusuf Axmed waxaa Jira Dhibaatooyin badan oo aan gaystay waan katuubad keenay qodobo dhawr ah ayaan rabaa inaan kahadlo 1 waxaan rabaa in aan anigoo shacab ah oo jooga Dalkayga in aan lashaqeeyo islaamka 2 dadka u dhashay deegaankaan misana Amaan awgiis uga maqan oo jira banaanka inay soo baaltaan oo ay tubad keenaan islaamkana lashaqeeyaan"
Goobta lagu soo Bandhigay Sargaalkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin katirsan Xarkada Mujaahidiinta Al Shabaab Ururka Xisbul Islaam iyo Godoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan Shuuriye Faarax Sabriye.
Godoomiyaha Gobolka Hiiraan Ee Ururka Xisbul Islaam Shuuriye Faarax Sabriye oo halkaasi kahadlay ayaa waxa uu yiri" walaalyaal waxa sharaf noo ah in aad Munaasabadaan nagala soo qayb qaadataan munaasabadaan aad ayay Muhiim noogu tahay Ninkaan aad u jeedaan oo hada Nala Fadhiya oo magaciisa layiraahdo C/qaadir Afdhuub Makaraan Nin walaalkeen ah oo markii hore joogi Jiray Cariga misana kamid ah dadka ayaan munaasabadaan u Dhignay"
Sikastaba ah ahaatee waxaa soo badanaya Xubnaha Kasoo Goosanaya Dhanka Dawlada KMG oo ku soo biiraya Dhanacyada Kasoo hoejeeda.
Wariye Maxamud Faarax Axmed
Hobyo Radio Gobolka Hiiraan Baladweyne

Daawo Video laga soo duubay