Ciidamada amaanka ee Dawlad Gobaledka Puntland oo maanta Kbilaabay Baaritaano Magalada Boosaso Kadib markii Xalay Halkaasi Dad lagu Dilay.
Feb,18,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso
wararki
Idaacada
Hobyo ee
Feb,18,2010
Dhagayso
Ciidamada amaanka ee Dawlad Gobaledka Puntland oo maanta Kbilaabay Baaritaano Magalada Boosaso Kadib markii Xalay Halkaasi Dad lagu Dilay.
Ciidamada Amaanka Ee Dawlad Gobaleedka Putland ayaa waxa ay Baaritaano Kabilaabeen Magalada Boosaaso Kadib markii Xalay Dilal Kaladuwan loogu Gaystay Gudaha Magaalada Boosaaso.
Ciidamada Amaanka ayaa waxa ay Baaritaano Kabilaabeen Xaafadihii Dilalka ay Kadheceen Xalay iyadoo La arkayay Ciidamadoo wata Baabuuta Lagu Yaqaano Ciidamada Amaanka ee Dowlad Gobaleedka Puntland, kuwaasi oo Baarayay Dadka Kusugan Xafadahaasi Hase Ahaatee Ciidamada Danbi Baarista iyo kuwa Amaanka Dowlad Gobaledka Puntland ayaa wali Wax Jawaab ah Kasoo saarin Dilalka Loogaysanayo Dadka Rayidka ah Ee Anaan waxba Galabsan Waxa ayna Sheegeen in ay kuraad joogaan sidii ay u ogaan lahaayeen Dadkaan Amni Xumada Kawada Dowlad Gobaledka Puntland.
Waxa ay ahayd markii Xalay Dilal Kaladuwan ay Kadhaceen Magalada Boosaaso taasi uu kujiray Agaasimaha Qorshaynta Wasarada Maliyada Gobolka Bari Mudane Muuse Faarax Xili uu kusugnaa Meherad uu kuleeyahay Agagaarka Masjidka Araxma Kaasi oo kuyaala Xaafada Biyo Kulole ee Bariga Magalada Boosaaso, iyo waliba Dil loogaystay labo Ruux oo uu kamid ahaa arday Wax kabaranayay Jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso.
Wariye Siciid Axmed Baxwal
Radio Hobyo Gobolka Bari Boosaaso

Daawo Video laga soo duubay