Burburin ay maanta kabilaben ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Dagmada Ceel-waaq Ee Gobolka Gado

Feb,18,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee Feb,18,2010 Dhagayso

Burburin ay maanta kabilaben ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Dagmada Ceel-waaq Ee Gobolka Gado
 
Sida uu kusoo waramayo Wariye Maxamed Xaaji Xasan, Burburintaan ayay maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Kabilaabeen Dagmada Ceel-waaq Dhismayaal lagu tilmaamay inay kuyalaan wadada Hareereheda ee magaladaasi Ceel-waaq.
 
Dhismayaasha Ganacsiga Ugu badan aya laga Duminayaa Suuqa Buusar oo kuyaala Bartamaha Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gado, Arimahaan ayaa kadhashay Kadib markii uu Amar kasoo Baxay Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee Dagmadaasi Ceel-waaq loogu baaqay in maanta wixii kadanbeeya labur burin Doono Dhismayaasha Sharci Darada ah ee kuyaala Xaafadaha Gudahooda iyo Suuqyada Magaaladaasi Ceel-waaq ee Gobolka Gado.
 
 
Shalay ayay ahayd markii Goob Fagaaraha ah uu kala hadlay Boqolaal Qof Bare Maxamed Faarax {Bare qooje} oo u Qaabilsan Dhinaca Burburinta Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee Gobolka Gado, Bare waxa uu na Sheegay in Arintaa wacyi Galinta Ay Sirasmi ah u Socondoodto 7maalin wixii kadanbeeyana Qofkii lagu Arko Tilaabo Sharci ah laga qaadi Doono.
 
Dadka Kudhaqan Magalada Ceel-waaq ayaa Sitoos ah u Duminaaya Dhismahooda, ayadoo maamulku uu sheegay in uu qaadi Doono Qashinka Kahara Burburintooda.
 
 
Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa Horay u Burburiyay Suuqyo badan oo kuyaala Gobolka Gado oo ay kamid yihiin, Suuqa Magaalada Baardheere, midka Dagmada Buurdhuube, Suuqa Dagmada Garbaharay, iyo kan Magaalada Baladxaawo, midka Dagmada Ceel-waaq waa kii ugu Danbeeyay ee Burburin ay kasameeyaan Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Ee Gobolka Gado.
 
 
Wariye Maxamed Xaaji Xasan
Hobyo Radio Gobolka Gado Baladxaawo

 

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com