|
Kulan Maanta dhexmaray Maamulka Galmudug iyo Masuuliyiinta Ugu sareeya Hay'ada Qaxootiga Aduunka UNHCR.
Dec,2,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Kulan Maanta dhexmaray Maamulka Galmudug iyo Masuuliyiinta Ugu sareeya Hay'ada Qaxootiga Aduunka UNHCR. 











Kulankaan ayaa waxa uu ka dhacay Hotel Embasey Ee Magaaladda Gaalkacyo, Ayadoo ay Goob joog ahaayeen Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin, iyo Xubno ka tirsan labada Gole Ee Xukuumada iyo Baarlamaanka Galmudug.
Dhanka kale Kulanka ayaa waxaa Goob joog ahaa Masuulka ugu sareeya Hay'ada Qaxootiga aduunka Ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR Antoinyo, Asagoona kaga Mahad celiyay Maamulka Galmudug Sida Wanaagsan ay uga Shaqeeyeen Amaanka Galmudug, Waxa uuna Shaaca ka qaaday in sida ugu dhaqsiyaha Badan Xafiisyo iyo Xarumo ay uga Furan doonaan Deegaanada Galmudug.
Saxaafada Ayaa kulankaan Banaan joog ka ahayd, Markii uu soo Gaba gaboobay waxaa Idaacadda Hobyo Uga Warbixiyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Ahna afhayeenka Galmudug Axmed Maxmud Xasan {Axmed Baasto} Asagoona Shaaca ka qaaday in ay Masuuliyiinta Hay'adaas kala hadleen Wax U qabashada Dadka Qaxootiga ah ee Ku dhaqan Deegaanadda Maamulka Galmudug, Ayagoona Balan qaaday in Ay Wax u qaban Doonaan Dadka Barakacayaasha ah.
Axmed Baasto ayaa Sido kale Sheegay in kulankii u dhaxeeyay Maamulka Galmudug iyo Masuuliyiinta Hay'ada Qaxootiga Aduunka UNHCR uu ku soo Dhamaaday is afgarad labada Dhinac Ee Kulanka Yeeshay.
Dhan walaba ha jirtee kulankaan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xili Deegaanada Galmudug ay ku soo Qul Qulayaan Dad ka Soo Barakacay koonfurta Soomaalia iyo Kuwo ka yimid Galinka Shanaad ee Dhulka Soomaalida ay Ithoopia Maamusho.
Wariye C/laahi Macalin Cabdi Nairobi
Hobyo Media Network Gaalkacyo
 |