|
Cali Xasan (Cali Xisbi) oo ka mid ah siyaasiyiinta Galmudug ayaa isku soo sharaxay xilka madaxtinimo ee maamul goboleedka Galmudug Bisha August ee fooda nagu soo haysa
Apr,13,2011
www.Hobyoradio.com

Ayadoo Bisha August ee fooda nagu soo haysa lagu balan sanyahay in la kala diro Xukuumada haatan jirta ee Galmudug ayaa hadana waxaa soo baxaya siyaasiyiin isku soo sharaxaya qabashada Xilka Madaxyinimo ee Galmudug, Cali Xasan Cali Xisbi waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta Galmudug ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho, Qadka Taleefanka Asagoo ugu waramaya Idaacada Hobyo ee Magaalada Gaalkacyo ayuu halkaasi ka cadeeyay in uu doonayo Qabashada Xilka Madaxweynaha Galmudug.
Cali xisbi ayaa sidoo kale ka taarikheeyay xilalkii uu ka soo qabtay Galmudug, Asagoona soo noqday Xildhibaan dawladii Madaxweyne Maxamed Kiimiko, waxa uuna ka mid ahaa aas aasayaashii Maamulka Galmudug, sida uu tilmaamay.
Sikastaba ha ahaatee Waxaa maalmihii ugu danbeeyay soo ifayay musharixiin isku soo taagaya Madaxtinimada Galmudug, maadaama bisha August ee fooda nagu soo haysa ay dhacayso doorashada Maamul Gobaledka Soomaaliyed ee Galmudug State.
Caydaruus Axmed Sahal
Caydaruus9999@hotmail.com
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: (si kumeel gaar ah idrisxaaji@gmail.com) hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|