![]() |
|||||||
|
|
|||||||
|
Ceel biyood oo laga qodayay Degmadda Gal-Barwaaqo oo dumay kadib markii la dhamaystiri lahaa, Fadlan ka qayb qaado dhismaha Ceelka( Daawo Sawirada Ceelka)
Oct,23,2007 www.Hobyoradio.com Degmada Gal-Barwaaqo oo qiyaastii u jirta 80km xaga bari magaalada Gaalkacyo ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug State ayaa laga waday mashruuc loogu qodayo Ceel Biyood oo ku kacay lacag dhan $50.000 oo Dollar, Ceelka ayaa dumay kadib markii la dhameeyay.iyadoo ay halkaasi ku qasaareen dhamaan qalabkii galay ceelka sida Tuubooyinka, Shaqadii iyo Shidaalkii. Mashruuc balaaran oo ay bixiyeen qarashkiisa Hay'adaha Samafalka ayaa gabi ahaanba qasaaray kadib markuu dumay Ceelkii Biyaha ee Gal-Barwaaqo,iyadoo wali ay taagantahay baahidii loo qabay in laga xirgaliyo Ceel Biyood Deegaanka. Kadib Markuu qasaaray mashruucii hore ayaa hada waxaa loo baahan yahay in la helo lacagtii shaqaalaha, shidaalka Riiga iyo Tuubooyinka Ceelka, lacagtaas oo dhan $20.000 oo Dollar. Waxgaradka iyo Dadka ku dhaqan degmada Gal-Barwaaqo ayaa waxay ka codsanayaan Jaaliyada Dibadada in gacan ka siiyaan qarashka ku baxaya Shaqaalaha, Shidaalka iyo Tuubooyinka. Wixii Mucaawino ah waxaad ku hagaajisaan Masuuliyiinta kala ah Cali Daahir iyo Cabdi Salaad oo jooga Gaalkacyo Tel: 2525 754848 kala xiriir Minneapolis C/aziz Sheekh Cali Qaboobe Tel: 612 481 3022 Email gaalkayo1@yahoo.com
C/aziz Sheelh Cali Qaboobe Gal- Barwaaqo, Galmudug State of Somalia Email gaalkayo1@yahoo.com Hobyo Radio News Media |
|||||||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
|||||||