Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
XAFLAD MAHAD CELIN IYO ABAALMARIN AH OO LOO SAMEEYAY ABWAANADA SANADKA 2010 SAHRA D. MIRE.

Oct,19,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

XAFLAD MAHAD CELIN IYO ABAALMARIN AH OO LOO SAMEEYAY ABWAANADA SANADKA 2010 SAHRA D. MIRE.

Xaflad lagu sharfayay Sahra Daahir Mire  ayaa lagu qabtay Hotel Caynu Shamsi ee ku yaala Nooradka magaalada London. Xafladaas oo ay soo qabanqaabiyeen Gudoomiyaha jaaliyada Galmudug ee Uk Mudane Maxamed Ciise iyo Marwo Qarad SH Cilmi Waxaa ugu horayntiiba halkaas ka hadashay gabar lagu magacaabo Yaasmiin Cali Dhaga Tareey oo  ku hadlaysay magaca urur cusub oo laga furay magaalada London ayna fureen dhalinyaro ka soo jeeda Galmudug. Ururkaas waxa lagu magacaabaa ururka Horumarinta  Galmudug. Yaasmiin waxay sheegtay in ururkani yahay urur cusub oo ay fureen dhalinyarada Galmudug ee Uk, waxay sheegtay in ururkani soo dhawaynayo cid kasta oo diyaar u ah in ay qayb ka qaadato howlaha lagu horumarinayo Galmudug, Volunteer ahaan, ayna soo dhawaynayaan talooyinka ay dadku u soo jeediyaan.

Markaas kadib waxa lagu soo dhaweeyay Gudoomoyaha jaaliyada Galmudug ee Uk Mudane Maxamed Ciise, wuxuuna akhriyay aayado quraana iyo wacdi kadibna waxa uu sheegay in ay Galmudug maamul kala dambayn leh dhisatay mudadii maamulkaasi jirayna ay gaareen horumar aad u balaaran oo la taaban karo  ayadoo la dhisay iskuulo badan iyo laba jaamacadood oo dhowaan laga furay dowlad Goboleedka Galmudug degaanada ay ka taliso. Dhinaca caafimaadka waxay gaartay galmudug in looga yimaado degaanada soomaaliyeed oo dhan. Maxamed Ciise waxa uu ka digay cadeeyayna inuu aad uga xun yahay  in loo gafo lana caayo dadka Galmudug sumcadeeda kor u qaaday, wuxuuna sheegay inuu raaligalin ka bixinayo qof kasta  oo Galmudug waxtar u leh oo loo gafay iyo cid kasta oo magaca Galmudug loogu gafay gaar ahaan Sahra Daahir Mire, Cabdirisaaq Gaadaco iyo Abuukar x. Cabdi. Wuxuuna sheegay inay iska saarayaan wax kasta oo madmadoow ku jiro qofkastana uu shaqada ka wadi doono meesha ku haboon.

 Intaas  ka dib waxaa hadalkii la wareegay Fanaanka wayn ee Cabdirisaaq axmed Faarax (Gaadaco) oo u mahad celiyay dhamaan qabanqaabiyayaashii xaflada wuxuuna halkaas ka cadeeyay in wax walba ay xalay dhalay ka yihiin maadaama uu ka helay raali galin dad sharaf leh oo isugu jira hooyooyin, dhalinyaro iyo gudoomiyaha jaaliyada Galmudug ee Uk Mudane Maxamed Ciise, wuxuuna sheegay inuu soo wado heeso cusub oo ah wacyi galin, kana qayb qaadan doono horumarinta dalka soomaaliyeed gaar ahaan degaanada  Galmudug oo ah meeshii uu ku dhashay. Gaadaco wuxuu hadalkii ku wareejiyay Sahra Daahir Mire oo iyaduna u mahad celisay dhamaan  marti sharaftii xaflada isugu timid, gaar ahaan waxay u mahad celisay qabanqaabiyayaashii xaflada   Gaar ahaan gudoomiyaha jaaliyada GMS ee Uk mudane Maxamed Ciise iyo marwo Qarad Sh Cilmi iyo Hooyooyinka GMS oo xaflada qayb wayn ka qaatay. Sahra waxa kale oo ay halkaas uga mahad celisay Madaxwaynaha  Dowlad Gobaleedka GMS mudane Maxamed  Axmed Caalin, golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka ee GMS waxayna ugu baaqday dadka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Ka soo jeeda GMS inay midnimadooda ilaashadaan iskana qabtaan dadka dib ugu calinaya qabiilka iyo xaasidnimada aan dawada lahayn ee ay mar hore ka soo gudbeen, taageeraana maamulka ay dhisteen iskana difaacaan dadka cadawgaa ee u soo haliilaya inay burburiyaan maamulka iyo kala dambaynta ay dhisteen. Waxa kale oo halkaas ka hadlay dad ay ka mid yihiin Suldaan Marwo Qarad Sh Cilmi, Marwo Kaaha Cali Dable, Marwo Xabiibo Cali Faarax, Marwo Shugri Jaamac Nuur Salax, Marwo Warsan Bare iyo suugaanyahanada Faadumo Dayaxleef.

Waxayna dhamaantood dadkaasi ka hadleen horumarka Galmudug, waxyaalihii laga soo gudbay iyo taariikhda dadka ka soo jeeda Galmudug. Ayagoo dadkaasi dhamaantood cadeeyay inay dadka galmudug ka soo jeedaa ay leeyihiin taariikh aad u xeel dheer kana fog anshax xumada iyo in gabdhaha oo la caayo lana aflagaadeeyo  ay ceeb tahay, taasina ay tahay dhaqan aad u xun.  Waxa ay sheegeen in aan loo fiirsan dadka khaladka galaya ee howsha horumarinta galmudug halkaas laga sii wado. Waxa kale oo dadkaasi soo jeediyeen in qof walba wixii uu gaysto uu ilaahay la xisaabtamayo ay na haboon tahay in la iska cafiyo qof kasta oo gafa, ilaahay baana  ka abaal marin doona qof walba wuxuu gaystay shar iyo khayr.

Waxaa halkaas ka tirisay tix buraanbur ah oo ay ugu soo tala gashay Sahra Dahir Mire Marwo Qarad Sh Cilmi  waxayna ku bilowday;

Waxaa ayaduna halkaas tix kale oo buraanbura uga tirisay Sahra Dahir Mire

Waxay dhamaan  haweenkii halkaas isugu yimid  kor saareen  abwaanad sahra daahir mire shaalal xaal marin ah oo ay saareen. Mid kasta oo ka mid ah haweenkii halkaas isugu yimid waxay saartay shaal. Kadibna waxa la saaray taajka boqorada. Waxayna cadeeyeen haweenkaasi  in aan loo gafi Karin qofkasta oo galmudug wax u qabta rag iyo dumarba.

Gabagabadii xaflada waxaa muxaadaro diini ah iyo duco ka soo jeediyay marwo Sahra Sh Cilmi oo sheegtay in aduunku  uu yahay meel aan lagu waarayn aakhirana ay tahay meel lagu waarayo qof walbana lala xisaabtamayo yoomul qiyaamaha wixii uu gaystay. Waxa kale oo ay sheegtay in ilaahay jecel yahay kuwa cafiya kuwa dambiga ka gala

 

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010

Hambalyo Sahra Dahir Mire oo noqotay Abwaanada sanadka 2010 ee Galmudug State

Hambalyo , Hambalyo Sahra Dahir Mire ayaa noqotay abwaanada ugu fiicnayd ee sanadka 2010, Abwaanada Sahra ayaa curisay heesihii ugu dhagaysiga badnaa ee laga dhagaysto Youtube-ka iyo idaacadaha Galmudug, Heesaha ay abwaanadu curisay  oo mirahoodu aad u macaanyihiin ayaa hadana waxaa laxanka saaray fanaaniinta waa weyn ee dhanka mulaxanka caanka ku ah Sir Max'ed Cumar iyo Qoomaal.

Abwaanad Sahra ayaa waxaa  hambalyo iyo bogaadin u diraya Madaxda Galmudug oo uu ugu horeeyo M/weyne Max'ed Caalin, Gudoomiyaha Barlamanka Md.  Xasan Hayl,Wasiirka Qorshayta iyo xiriirka caalamka Md. Cumar Suri ,  Madaxa Idaacada iyo web-ka  Hobyo C/aziz Xogolof iyo  shacabka Galmudug ee kudhaqan gudaha iyo dibada.

Abwaanad Sahra Dahir Mire ayaa ilaahay hibo u siiyay  curinta Gabayada, Baraaburada iyo Heesaha wanaagsan ee ka turjumaya dhaqankeena suuban ee diinta islaamka iyo hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Heesaheeda waxaa qaada fanaaniinta ugu caansan gayiga Soomaaliya Maryan Mursal Ciise, Qoomaal, Cabdirasaq  Gaadaco, Cabdi Shire Jooqle, Farxiyo Fista, Jihaam Jalaqsan, Nimco Caraale,  Cabdi Holan, Cabdi khaalaq, C/risaq Altesto iyo kuwa kale oo badan

Sahra Aabaheed waxaa layiraah Gaashaanle Sare Dahir Mire Jimcaale Hooyadeedna allaha u naxariistee Xaawo Shirwac Maxamuud Ayaanle, aabaheed  G/sare Dahir Mire Jimcale wuxuu katirsanaa ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed, wuxuu haystay qaybta kaydka ciidanka qaranka ee magalada Hargaysa, G/sare Dahir Mire Jimcaale waxay ilma adeer yihiin siyaasiga weyn  Prof. Maxamed farax Jimcaale oo qoys sharaf iyo xurmo  kudhexleh dadweynaha Galmudug iyo  kuwa Soomaaliyeed.

Marwo Sahra Dahir Mire  waxay kasoo jeedaa qoys balaaran oo magac iyo maamuus kuleh beelaha daga  Galmudug, waxay ku dhalatay magalada Hargaysa, waxbarshadeeda dugsiga Hose/dhexe waxay kusoo qaadatay isla magaladaasi Hargaysa, waxay ahayd ardaya ugu buundada saraysa dugsiga dhexe sidaa awgeed waxaa la geeyay CTC oo loogu talagalay ardada buundada saraysa  kadib waxaa kudhacay dagaaladii sokeeye ee Somalia, waxay soo gashay dalka Nederland oo ay waxbarshadeedii kasii wadatay waxay  shahaadada Bachelor degree Accounting iyo  international  business and management ka qaadatay jaamacada Amsterdam, waa gabar ilaahay kumanaystay Qurux, Xishood, dhaqan wanaagsan, si wanaagsana waalidkeed usoo barbaariyeen.

Hadaba waxay mutaysatay abaalmarin ay ku heshay Hibada illaahay  siiyay ee curinta areyadda ama hal abuurida suugaaneed ee heesaha wanaagsan  Gaarbay u leeyihiin Galgaduud iyo Galmudugeey, Madaxweynaheena iyo martida la socotaay,Galmudug aan hormarinee  Gacmaha is qabsada, hees Cusub ee Hobyo gudan, horaa loo yiri HIBO ALLE KUSIIYAY habeen lagaama qaado, waxaan leenahay halkaa kasii wad, waanad ku mahadsantahay hal abuurdaada aad noogu hibaysay reer Galmudug.

C/aziz Xogolof

Hobyo Media Network

San Diego, California

 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|