Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Dufcadii u Horaysaysay ee Ardayda Jaamacada Mudugu nivesity (MU) oo Maanta ay u Bilaabatay Waxbarashadoodii Jaamacadda.

Oct,18,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

Dufcadii u Horaysaysay ee Ardayda Jaamacada Mudugu nivesity (MU) oo Maanta ay u Bilaabatay Waxbarashadoodii Jaamacadda.
 


Dufcadan Koowaad ee Ardayda Jaamacada Mudug University M.U ayaa Saakay 8:30 Subaxnimo waxa ay BilaabeenWaxbarashadoodii Jaamacada iyagoo ku Xarooday Fasaladii aywax kuBaranayeen.
 
 
Aradyda Maanta Bilaabay Waxbarashada Jaamacada ayaa ka koobnaa 50 Arday oo ku Guulaystay Imtixaankii Jaamacada islamarkaana iska Diiwaan Geliyay Kuliyadaha Caafimaadka iyo M aamulka Xisaabaadka ito Maaraynta.
 
 
Saakay Waxaa xarooday Hal Fasal oo Caafimaad ah oo Gaarayay illaa 19 Arday, Galabtana Waxaa Soo Xaadiray Laba Fasal oo ah Caafimaad iyo Maaulka Xisaabaadka iyo Maaraynta ah, Fasalka Ardayda Caafimaadka ayaa haa 17 arday iyadoo kan Maamulka iyo Maarayntana ay soo Xaadireen 14 Arday,
 

 
Hormuudka Jaamacada Mudug Uninersity Prof.Xuseen Salaad Wehliye oo aan kula kulanay Xafiskiisa ayaa Warbaahinta Hobyo u Xaqiijiyay in ay jiraan Arday Shaqaale ah oo Gelinka Hore iyo Galinka DambeShaqeeyo oo is Diiwaangeliyay wuxuuna Xusay in si Fursad loo siiyo arintaas ay hada wadaan Hawsheeda.
 
 
Sidoo kale Prof. ayaa Xusay in Kuliyadaha Kale ee Computore Engineering iyo Education ay Sida ugu Dhaqsiyaha Badanu Bilaabi Doonaan Macalimiintii wax ka Dhigi lahaydna sida ugu Dhaqsiyaha Badan ay u soo Gaari Doonaan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Galmudug State.
 
 
Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashada Galmudug aya Galabta Soo indha indheeyay Jaamacada Mudug University Wuxuuna Booqday Fasalada ay ku jireen Ardayda Maanta ay Bilaabatay WaxbarashoHeer Jamacadeed ah wuxuuna kulaDardaarmay inay Dadaalaan islamarkaana ay ka faaidaystaan Fursadahan Waxbarasho oo iyaga oo Hooygooda joogo ay heleen Jaamacadii ay wax ka Baran lahaayeen taaasoo uu wasiirku Sheegay inaanay Dad badani Helin Fursadan ookale iyagoo jaamacad u aaday Muqdisho amaba Wadamo kale .
 
 
Jaamacada Mudug University ayaa Sagaalkii Bishan Waxaa xariga ka
Jaray Madaxwanaha Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyadoo Munaasabad loogu Dabaaldegayo Furitaanka Jaamacadana lagu Qabtay Hoteelka Embassy ee Magaalada Gaalkacyo.

 
C/wahaab Axmed Nuur
Hobyo Media Network Gaalkacyo Galmudug State Of Somalia

 
 

Hambalyo Sahra Dahir Mire oo noqotay Abwaanada sanadka 2010 ee Galmudug State

Hambalyo , Hambalyo Sahra Dahir Mire ayaa noqotay abwaanada ugu fiicnayd ee sanadka 2010, Abwaanada Sahra ayaa curisay heesihii ugu dhagaysiga badnaa ee laga dhagaysto Youtube-ka iyo idaacadaha Galmudug, Heesaha ay abwaanadu curisay  oo mirahoodu aad u macaanyihiin ayaa hadana waxaa laxanka saaray fanaaniinta waa weyn ee dhanka mulaxanka caanka ku ah Sir Max'ed Cumar iyo Qoomaal.

Abwaanad Sahra ayaa waxaa  hambalyo iyo bogaadin u diraya Madaxda Galmudug oo uu ugu horeeyo M/weyne Max'ed Caalin, Gudoomiyaha Barlamanka Md.  Xasan Hayl,Wasiirka Qorshayta iyo xiriirka caalamka Md. Cumar Suri ,  Madaxa Idaacada iyo web-ka  Hobyo C/aziz Xogolof iyo  shacabka Galmudug ee kudhaqan gudaha iyo dibada.

Abwaanad Sahra Dahir Mire ayaa ilaahay hibo u siiyay  curinta Gabayada, Baraaburada iyo Heesaha wanaagsan ee ka turjumaya dhaqankeena suuban ee diinta islaamka iyo hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Heesaheeda waxaa qaada fanaaniinta ugu caansan gayiga Soomaaliya Maryan Mursal Ciise, Qoomaal, Cabdirasaq  Gaadaco, Cabdi Shire Jooqle, Farxiyo Fista, Jihaam Jalaqsan, Nimco Caraale,  Cabdi Holan, Cabdi khaalaq, C/risaq Altesto iyo kuwa kale oo badan

Sahra Aabaheed waxaa layiraah Gaashaanle Sare Dahir Mire Jimcaale Hooyadeedna allaha u naxariistee Xaawo Shirwac Maxamuud Ayaanle, aabaheed  G/sare Dahir Mire Jimcale wuxuu katirsanaa ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed, wuxuu haystay qaybta kaydka ciidanka qaranka ee magalada Hargaysa, G/sare Dahir Mire Jimcaale waxay ilma adeer yihiin siyaasiga weyn  Prof. Maxamed farax Jimcaale oo qoys sharaf iyo xurmo  kudhexleh dadweynaha Galmudug iyo  kuwa Soomaaliyeed.

Marwo Sahra Dahir Mire  waxay kasoo jeedaa qoys balaaran oo magac iyo maamuus kuleh beelaha daga  Galmudug, waxay ku dhalatay magalada Hargaysa, waxbarshadeeda dugsiga Hose/dhexe waxay kusoo qaadatay isla magaladaasi Hargaysa, waxay ahayd ardaya ugu buundada saraysa dugsiga dhexe sidaa awgeed waxaa la geeyay CTC oo loogu talagalay ardada buundada saraysa  kadib waxaa kudhacay dagaaladii sokeeye ee Somalia, waxay soo gashay dalka Nederland oo ay waxbarshadeedii kasii wadatay waxay  shahaadada Bachelor degree Accounting iyo  international  business and management ka qaadatay jaamacada Amsterdam, waa gabar ilaahay kumanaystay Qurux, Xishood, dhaqan wanaagsan, si wanaagsana waalidkeed usoo barbaariyeen.

Hadaba waxay mutaysatay abaalmarin ay ku heshay Hibada illaahay  siiyay ee curinta areyadda ama hal abuurida suugaaneed ee heesaha wanaagsan  Gaarbay u leeyihiin Galgaduud iyo Galmudugeey, Madaxweynaheena iyo martida la socotaay,Galmudug aan hormarinee  Gacmaha is qabsada, hees Cusub ee Hobyo gudan, horaa loo yiri HIBO ALLE KUSIIYAY habeen lagaama qaado, waxaan leenahay halkaa kasii wad, waanad ku mahadsantahay hal abuurdaada aad noogu hibaysay reer Galmudug.

C/aziz Xogolof

Hobyo Media Network

San Diego, California

 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|