![]() |
|||||||||||||||||
|
|
|||||||||||||||||
|
Madaxweynaha Galmudug Prof. Mohamed Warsame Kiimiko iyo Wasiirka Arrimaha Guduha Col. Muxuyadiin M. Cali oo shir ku qabtay magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Oct,17,2007 www.Hobyoradio.com
Madaxweyne Prof. Mohamed Warsame Cali kiimiko iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Col. Muxuyadiin Macalin Cali oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Minneapolis gobolka Minnesota.
Ugu horeyntii ayaa waxaa Aayado Quraan ah iyo Wacdi ka jeediyay shirka Sheekh Caafi oo dadkii halkaa isugu yimid ku wacyi galiyay inay ilaahay ka baqaan Dadkooda tabaalaysan iyo Dalkoodana u gar gaaraan.
Jaaliyadda Galmudug ee gobolka Minnesota ayaa si farxad leh usoo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug State. Prof. Mohamed Warsame oo howlo shaqo in mudo ah u joogay magaala madaxda dalka Maraykanka ee Washington ayaa soo gaaray gobolka Minnesota si uu shir ula qaato Jaaliyadda Galmudug iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Col. Muxuyadiin M. Cali oo dhawaan socdaal kaga yimid Galmudug.
Col. Muxuyadiin Macalin Cali oo isna in muda ah shaqo ugu maqnaa degaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug State ayaa kusoo laabtay bilowgii octobar magalada Minneapolis oo uu Wasiirku in mudaa daganaa.
Waxaa isna halkaasi ka hadlay soona dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Mudane. Haji Maxamuud Cabdi oo oga mahad celiayay madaxda shaqada ay u hayaan shacabka Galmudug, asagoo dadkii haalkaas isugu yimidna ku booriyay inay Madaxdooda la shaqeeyaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Col. Muxuyadiin M. Cali ayaa sheegay inay guulo la taaban karo ay gaareen intii uu jiray Maamulka Galmudug State, haday tahay Xaga Maamul wanaaga, Amniga, Waxbarashada, Caafimaad iyo Horumarka goboladda iyo Dagmooyinka ay ka kooban tahay Galmudug.
Madaxweyne Prof. Mohamed Warsame Kiimiko ayaa ku bilaabay hadalkiisa Ciid Mubaarak, Ciid mubaarak, Kullu Caam Wa Antum Bil kheyr, Madaxweynaha ayaa oga mahad celiyay Jaaliyada Minnesota sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Col. Muxuyadiin Macalin Cali.
Ugu Danbayntii shirka oo ay ka hadleen Madaxda Galmudug iyo Jaaliyada Minnesota oo ay kamid ahaayeen Wasiir Howlaha Guud Xasan Maxamuud Hayl, Madaxa Jaaliyada Mudane. Mohamed Ahmed Urur, Dr. C/rahman haji Ereg, ayaa ku dhamaaday Jawi wanaagsan waxaana Wacdi iyo Duco ku xiray shirkii Sheekh Cabdullahi Faraweyne.
C/aziz Xogolof
Mnneapolis,MN,USA Hobyo Radio News Media |
|||||||||||||||||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
|||||||||||||||||