Ayax Farabadan oo Hareeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Dawlad Goboleedka Gal-Mudug State. {Daawo Sawirada muqaalka ayaxa}

Oct,13,2007 www.Hobyoradio.com

Ayax Farabadan oo Hareeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Dawlad Goboleedka Gal-Mudug State. {Daawo Sawirada muqaalka ayaxa}

Waxaa galabta galinkii danbe hawada magaalda Gaalkacyo hareeyay ayax farabdan oo dul heehaabaya magaalada asagoona hadba dhinac kaga imaanaya kaasoo waliba ku duulaya joog hoose oo cirka ah indhuhuna ay qaban karaan hirka iyo tirada ayaxaan oo ah mid aad looga dareemayo guud haan Gaalkacyo oo aad moodaysid ciiryaamo roob.

Waxaa la arkayay dadweyne koox koox ah oo isgu soo baxay meelaha banaanka ah, kuwaasi oo markaasi is tusinaya ayaxa ku duulaya hawada magaalda Gaalkacyo.

Hadal haynta ugu badan ee dadweynaha magaalda Gaalkacyo ayaa noqatay ayaxa farahabadan ee dul heehaabaya Gaalkacyo oo ay dadku qaarkood ku fasireen inuu yahay mid soo raacay roob aan sidaasi ubadnayn oo dhawaan ka da’ay magaalada Gaalkacyo iyo degmooyinka ku teedsan, asgoona meelaha cagaarka ee geedaha ah uu ku dagayo uuna qalajinayo gabi ahaan dooga ka dhasha roobka.

Dhawaan ayay ahayd markii degmooyin ka tirsan gobolka Mudug ee dawlad goboleedka Gal-Mudug uu soo buux dhaafiyay ayaxaan hirarka ah oo hadba meel uga guuraya tuulooyinka iyo meelaha baadiyaha ah.

Cabdalla Max'd cabdaille

Xaafiiska hobyoradio Galkacyo,Gal-Mudug State of SOMalia,

cabdalla45@hotmail.com

 

Ciid Wanaagsan Kullu Caam Wa Antum Bil Kheyr

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com