 Hambalyo Sahra Dahir Mire oo noqotay Abwaanada sanadka 2010 ee Galmudug State
Hambalyo , Hambalyo Sahra Dahir Mire ayaa noqotay abwaanada ugu fiicnayd ee sanadka 2010, Abwaanada Sahra ayaa curisay heesihii ugu dhagaysiga badnaa ee laga dhagaysto Youtube-ka iyo idaacadaha Galmudug, Heesaha ay abwaanadu curisay oo mirahoodu aad u macaanyihiin ayaa hadana waxaa laxanka saaray fanaaniinta waa weyn ee dhanka mulaxanka caanka ku ah Sir Max'ed Cumar iyo Qoomaal.
Abwaanad Sahra ayaa waxaa hambalyo iyo bogaadin u diraya Madaxda Galmudug oo uu ugu horeeyo M/weyne Max'ed Caalin, Gudoomiyaha Barlamanka Md. Xasan Hayl,Wasiirka Qorshayta iyo xiriirka caalamka Md. Cumar Suri , Madaxa Idaacada iyo web-ka Hobyo C/aziz Xogolof iyo shacabka Galmudug ee kudhaqan gudaha iyo dibada.
Abwaanad Sahra Dahir Mire ayaa ilaahay hibo u siiyay curinta Gabayada, Baraaburada iyo Heesaha wanaagsan ee ka turjumaya dhaqankeena suuban ee diinta islaamka iyo hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Heesaheeda waxaa qaada fanaaniinta ugu caansan gayiga Soomaaliya Maryan Mursal Ciise, Qoomaal, Cabdirasaq Gaadaco, Cabdi Shire Jooqle, Farxiyo Fista, Jihaam Jalaqsan, Nimco Caraale, Cabdi Holan, Cabdi khaalaq, C/risaq Altesto iyo kuwa kale oo badan
Sahra Aabaheed waxaa layiraah Gaashaanle Sare Dahir Mire Jimcaale Hooyadeedna allaha u naxariistee Xaawo Shirwac Maxamuud Ayaanle, aabaheed G/sare Dahir Mire Jimcale wuxuu katirsanaa ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed, wuxuu haystay qaybta kaydka ciidanka qaranka ee magalada Hargaysa, G/sare Dahir Mire Jimcaale waxay ilma adeer yihiin siyaasiga weyn Prof. Maxamed farax Jimcaale oo qoys sharaf iyo xurmo kudhexleh dadweynaha Galmudug iyo kuwa Soomaaliyeed.
Marwo Sahra Dahir Mire waxay kasoo jeedaa qoys balaaran oo magac iyo maamuus kuleh beelaha daga Galmudug, waxay ku dhalatay magalada Hargaysa, waxbarshadeeda dugsiga Hose/dhexe waxay kusoo qaadatay isla magaladaasi Hargaysa, waxay ahayd ardaya ugu buundada saraysa dugsiga dhexe sidaa awgeed waxaa la geeyay CTC oo loogu talagalay ardada buundada saraysa kadib waxaa kudhacay dagaaladii sokeeye ee Somalia, waxay soo gashay dalka Nederland oo ay waxbarshadeedii kasii wadatay waxay shahaadada Bachelor degree Accounting iyo international business and management ka qaadatay jaamacada Amsterdam, waa gabar ilaahay kumanaystay Qurux, Xishood, dhaqan wanaagsan, si wanaagsana waalidkeed usoo barbaariyeen.
Hadaba waxay mutaysatay abaalmarin ay ku heshay Hibada illaahay siiyay ee curinta areyadda ama hal abuurida suugaaneed ee heesaha wanaagsan Gaarbay u leeyihiin Galgaduud iyo Galmudugeey, Madaxweynaheena iyo martida la socotaay,Galmudug aan hormarinee Gacmaha is qabsada, hees Cusub ee Hobyo gudan, horaa loo yiri HIBO ALLE KUSIIYAY habeen lagaama qaado, waxaan leenahay halkaa kasii wad, waanad ku mahadsantahay hal abuurdaada aad noogu hibaysay reer Galmudug.
C/aziz Xogolof
Hobyo Media Network
San Diego, California
|