![]() |
||
|
|
||
|
Deeganada
dawlad
Goboleedka
Gal-Mudug
State Oo
Gaaray
Hor Umar
dhinaca
Beeraha
ah. {Daawo
Sawirada
Beeraha}
Oct,1,2007 www.Hobyoradio.com Qaar ka Tirsan deegaanada dowalad goboleedka Gal-Mudug State ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay hodan ku yihiin beerashada dalagyadda kala duwan ee lagu tabco beeraha, dadka ku dhaqan degmooyin iyo tuulooyin ka tirasn deeganada Gal-mudug ayaa waxay tabcadaan beeraha oo ay ka baxaan noocyo kala duwan ee raashinka iyo qudaarta ah.
Deegaanka xeero-dhagaxley waxay ka mid tahay meelaha ay beeruhu ku yaalaan mar aan dhawaan hawlo shaqo ku tagnay xeero-dhagaxley ayaa waxaan halkaasi aan ku booqday mid ka mid ah beeraha ku yaal xeero-dhagaxley beerta oo ahayd beer aad uweyn hadana qurux badan ayaa waxaa ka baxa Canbaha iyo liimo-dhanaanta oo ka mid ah qudaarta ugu qaalisan aduunka Cali Carab Gabayre oo ah milkiilaha beerta oo xiligaas ku sugnaa beertiisa isla markaasina waraabinayay oo ceel yar oo ugu dhex yaal gudaha Beerta biyaha uga daabulayay, ayaa iiga waramay marxalidihii ay beertiisu soo martay iyo waxyaabaha uga baxa waxa uuna iisheegay in mudo sadex sano iyo bar ay beertisu beerantahay isla markaasina uu ku tabcay liinta nocaa loo yaqaan liin-dhanaanta iyo canbaha.
Cali Carab waxa uu xusay in mar mar ay beertu aad ubaxdo uuna ka raray canbaha iyo liin farabadan una iib geeyo magaalda Galkacyo ee xarunta dawlad goboleedka Gal-Mudug State.
Ayadoo qaarka kalana laga isticmaalo gudaha xeero-dhagaxley Cali carab gabayre milkiilaha beerta aan ku booqday xeero-dhagxley oo uwaranmayay hobyoradio ayaa xusay in ay jirto dhibaato haysata beeralayda xeero-dhagaxley taas oo uu ku sheegay in ay tahay matoor la’aan haysata beeraha oo ay ubaahnaan lahaayeen matoor loo saaro ceel biyood oo uu xusay in ceelka yar ee ku dhex yal beertiisa aysan ku filnayn waraabinta beerta daawada bacariminta ee loo isticaalo beerha ayuu cali carab sheegay in aysan haysanin oo ay hay’adoha samfalka qaarkood u balan qaadeen daawada bacriminta beeraha.
Isku soo wada duuboo mahan xeero dhagaxley oo kaliya meelaha ay beeruhu ku yaalaan ee deegaanda Gal-mudug waxaa ka mid ah deegaanka Gawaan, Wisil iyo meelo kale oo katirsan degmooyinka iyo tuulooyin ka tirsan gal-Mudug State oo la oran karo waxay gaareen horumar aad uwayn oo beeraha tabcashadooda ah.
Cabdalla Max’ed Cabdille Xaafiisaka hobyorado Galkacyo,Gal-Mudug State of Somalia, Mobail:+2521-090-7522660
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||