Magalada Galkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa waxaa laga Dareemayaa xaalado amaan daro

Jan,9,2009 www.Hobyoradio.com

Magalada Galkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa waxaa laga Dareemayaa xaalado amaan daro


 
Ayadoo xalay ay kadhaceen qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo aan lagaranayn cida kadanbaysa
 
Bulshada ku dhaqan magalada Galkacyo ayaa waxay baaq u dirayaan maamulada kajira Magalada Galkacyo ee xarunta gobolka mudug
 
Maxamed xasan cali oo kamid ah bulshada Galkacyo ayaa lasoo xiriiray idaacada Hobyo   Asagoo sheegay in maamulka Galmudug uu wax kaqabto amaan darada kajirta magalada Glakacyo
 
Sidookale maxamed xasan waxa uu madaxwaynaha maamulka Glamudug mudane Maxamed Axmed caalin uu kacodsaday in uu wax kaqabto xaalada amaan daro ee Kajirta magaalada Galkacyo
 
Sidookale maxamed xasan oo ku hadlayay afka Bulshada magaalada Galkacyo
Ayaa waxa uu ubaaqay idacadaha kashaqeeya gobolka qaasatan idacada Hobyo  In ay sii xoojiso wacyi galinta Bulshada
 
Sikastaa ha ahaatee qaybaha kaladuwan ee Bulshada Galmudug ayaa waxa ay
Kaxunyihiin falalka amaan daro ee kajira magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.



Agasime Siciid Jaani

Idaacadda Hobyo Galmudug State of Somalia

 


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com