![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Madaxweyanaha GalMudug Col.Caalin oo sheegay in Hay’ado Caalami ah uu balan qaad ka haysto.+Sawiro
Jan,7,2009 www.Hobyoradio.com Madaxweyanaha GalMudug Col.Caalin oo sheegay in Hay’ado Caalami ah uu balan qaad ka haysto. Madaxweyanaha Maamul Goboleedka Somaliyeed ee GalMudug State Col.Max’d Axmed Caalin ayaa shaaca ka qaaday in uu balan qaad rasmi ah ka haysto Hay’ado caalami ah oo taageero Maaliyadeed siinaya Dawlad Goboleedka GalMudug State Somaliya
Hadalakan aayuu Madaxweyne Caalin ka sheegay xili uu qudbadan ujedinayay boqolaal dadweyne ah oo iskugu soo baxay fagaaraha Barxadda ilka dahab ee Magaalada Galkacyo taasi oo lagu taageerayay dhamaynta khilaafkii mamaulka Galmudug gaar ahaana mas’uliyinta xilka madaxtinimada isku haystay oo midkood uu tanaasul sameeyayay iyo sidoo kale Golayaashii Baarlamanka Wasiirada iyo intii ka haratay Maamulka oo xilakii s iska casilay si loo dhameeyo khilaafka Galmudug lana middeeyo shucuubta reer Galmudug State.
Waxaana isku soo baxa soo qaban qaabiyayay Ururada Haweenka Galmudug waxaana ka soo qayb galay dhamaanba qaybaha kal aduwan ee bulshada Galmudug Aradayda iyo sidoo kale mas’uliyinta Galmudug oo madaxweynuhu ku jiro.
Munaasabadda oo ay ka hadaleen qayabaha bulshada siiba haweenka ayaa waxaa qudbad dheer ka jeediyay Madaxweyanaha Maamulka Galmudug Col.Max’d Axmed Caalin waxa uu kaga hadalay Arimo dhawr ah Asagoo marka hore Salaan diiran Ugudbiyay Dhamaanba Shacabka Galmudug dalka iyo dibaddaba waxa uuna madaxweynuhu Umahad celiyay Dawladda Midnimada Qaran Mas’uiyinta Ugu saraysa oo isku taagan kuna Guulaystay dhamaynta xal uhelidda Khilaafka Maamulka Galmudug ka jiray bilihii ugu danbeeyay Waxaa sidoo kale Madaxweyne Caalin Jaaliyadda Galmudug oo dibadda ku Amaanay dadaalkooda Hormarinta deeganada Galmudug oo uu sheegay in ay mar waliba utaagan yihiin
Madaxweyanaha Galmudug Mudane Max’d Axmed Caalin waxa uu shacabka reer Galmudug ugu bishaareeyay in uu hay'ado Caalami ah uu balan qaad ka haysto oo taageero maliyadeed siinaya Galmudug State
"Waxaad Ogtihiin aan Socdaal ku tagay Magaalada Nayroobi ee xarunta wadanka kenya kadib markii ay iwaceen dawlado iyo Ha’ado calami ah kulamo aan wada qaadanay waxay noo balan qaadeen in ay taageero joogto siinayaan Galmudug haddii uu dhamaado khilaafka yare e haatan soo afjarmay Ayuu yiri Madaxweyne Caallin oo qudbad dheer ka jeediyay fagaaraha isku soo baxa uu ka dhacay ee Magaalada Galkacyo
Isku soo baxa taageerada ee ka dhacay Galkacyo ayaa ah mid ku soo beegmaya xili Golayaashii barlamnka iyo wasiirada intii kaharatay Maamulka Galmudug ay KU ku dhawaaqeen in ay is casileen taasi oo ku jiratay Qodobadii heshiisak Galmudug ee muqdisho ku soo idlaaday dhawaan
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo Golahayaasha barlamanka iyo wasiirada Maamulka Galmudug State
Cabdalla M.C/lle Hobyoradio Galkacyo GalMudug SOMalia Idaacadda Hobyo Galmudug State of Somalia Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||