Wasaarada Warfaafinta Galmudug oo Maanta Balan qaadyo U samaysay Saxafiyiinta

Jan,21,2010 www.Hobyoradio.com


Wasaarada Warfaafinta Galmudug oo Maanta Balan qaadyo U samaysay Saxafiyiinta
 
Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug Abshir Maxamed Aadan (Abshir Jeesto) oo kahadlayey munaasabad lagu maamuusayey maalinta Saxaafda Somaliya ayaa sheegay in wasaarada uu hogaamiyo ay isbadal weyn kasamayndoonto dhinacyo badan
 
Wasiirka oo haatan isagu xilkaan haya mudo todobaad ah ayaa sheegay in uu samayndoono hormaro farabadan maadaama isagu uu qibrad weyn u leeyahay saxaafda islamarkaasina uu samaynayo Ili faradan oo lagala socdo wararka Dowlada
 
Wasiira warfaafinta ayaa saxafiyiinta Deegaanada Galmudug kahowlgasha oga mahadceliyey dadaalada ay wadaan islamarkaasina ay kusootabinayaan wararka kaladuwan ee dalka kajira
 
 
Sikastaba ha haatee hadalka wasiirka ayaa imaanya xili deegaanad Galmudug ay kahanaqaadeen Saxaafda farabadan kuwaasi oo aysan jirin cid taageertay aman dhiirigalin u smaysay


 

W/D:Rooble Maxamed Dirir
rooble771@hotmail.com
W/tafaftiray Agaasime
Siciid Jaani SiciidJaanii@hotmail.com
 

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com