Dhagaxdhiga jaamacad cusub oo markii ugu horeysay laga Dhiso magaalada Galkacyo xarunta Galmudug state

Jan,19,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagaxdhiga jaamacad cusub oo markii ugu horeysay laga Dhiso magaalada Galkacyo xarunta Galmudug state.

Waxaa maanta Jaamacada Mudug dhagaxdhigay wasiirka wasaarada macdanta iyo Biyaha Gen. Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid iyo M/weynaha Galmudug Col. Max'ed Ahmed Caalin

M/weyne Max'ed Ahmed Caalin iyo Gen. Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid


Xaflad aad loosoo agaasimay oo lagu qabtay magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo lagu dhagaxdhigayay dhismaha jaamacad Cusub oo lagu magacaabay JAAMACADA MUDUG {MUDUG UNIVERSITY}.
 
Jaamacadaani la dhagax dhigay ayaa waxaa soo agaasimay Asaaskeeda jumciyada {AL IHSAN} oo gacanta kuheysa goobo badan Oo ardayda wax lagu baro kuna yaala magaalada Gaalkacyo iyo Nawaaxigeeda.
 
Dhagax dhiga jaamacada xaflada loo qabtay ayaa waxaa kasooqeyb Galay mas'uuliyiin Kawada tirsan maamulka GALMUDUG uu Horkacayay madaxweyne COL.maxamed axmed Caalin iyo DKM ee Soomaaliya uu hogaaminayay wasiirka macdanta iyo biyaha CABDI XASAN CAWAALE QEYBDIID iyagoona halkaasi kasoo jeediyay Qudbado ay ku Baraarujinayeen dadka in ay kaqeybqaataan Dhismaha iyo dhameystirka jaamacadan hadda la dhagax dhigayo.
 
Jaamacadan laga dhagax dhigay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xafada CALANLEY ee GALMUDUG ayaa waxa ay noqoneysaa Jaamacadii ugu horeysay ee laga hirgaliyo Deegaanada uu ka'arimiyo Dowlad Gobaledka Galmudug.

Dadka kunool deegaanada maamulka GALMUDUG ayaa iyagu durbaba Soo dhaweeyay Dhagax dhiga jaamacadani loo gu magac daray jaamacada mudug Iyadoo dadkaasi ay baahi Uqabeen in mar'uun dhidhibada loo taago Jaamacad ay dadkaasi ay kabartaan Waxbarashada heer Jaamacadeed.
 
Guntii iyo gunaanadkii ayaa waxaa dhagaxdhigay jaamacadaasi si Wajir ah madaxweynaha Galmudug col.maxamed axmed caalin iyo wasiirka macdanta iyo Biyaha DKG ee soomaaliya CABDI XASAN CAWAALE QEYBDIID oo ay Halkaasi ay goobjoog ka ahaayeen xibno katirsan Xildhibaanada Fedraalka iyo maamulka GALMUDUG iyadoona kasooqeyb galayaal Badan ay Daawanayeen dhagaxdhigaasi.
 
W/Q:wariye ceydiid maxa'ed cali{jubba}
W/T:Agasime sicid jaani
Ceydiid114@hotmail.com

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com