![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Halkan ka dhagayso Qudbadihii lagu soo afmeeray khilaafka Galmudug M/weyne Col. Caalin, Gen. Abdi Qaydiid, Dr. Cabdi Nur Guled, Ahmed Cali Salaad, Xasan Farax Barre, Col. Muxuyadin M. Cali, Cabdalle Jamac Jabriil, baraanbur ay katirisay Xaliimo Neero Jan,19,2010 www.Hobyoradio.com Halkan ka dhagayso Qudbadihii lagu soo afmeeray khilaafka Galmudug M/weyne Col. Caalin, Gen. Abdi Qaydiid, Dr. Cabdi Nur Guled, Ahmed Cali Salaad, Xasan Farax Barre, Col. Muxuyadin M. Cali, Cabdalle Jamac Jabriil, baraanbur ay katirisay Xaliimo Neero Waxaa noosoo duubay wariye Rooble Max'ed Dirir xaga farsamada agaasimaha idaacada Hobyo Siciid Jaani
Munaasabad si weyn loosoo agaasimay ayaa kadhacday hotel Embassy ee Koofurta magalada Gaalkacyo Taariikhdu markay ahayd 16,Janaayo ,2010 ayadoo lagu soo afmeeray khilaafkii iyo kala qaybsanaantii kajirtay maamulka Galmudug, islamarkaana lagu dhisay Barlamaan iyo wasiiro cusub ee dowlad goboleedka Galmudug, xafladan oo ay qabanqaabadeeda lahaayeen madaxda dowlada midnimo qaran oo ugu horeeyo wasiirka macdanta iyo biyaha Gen. Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa kasoo kaybgalay M/weyane Caalin, maamulka Ximan iyo Xeeb Dr. Cabdi Nur Guuleed, maamulka Puntland Gen, Carays, Ahmed Cali Salaad iyo ururada Haweenka, baraanbur aad loogu qiirooday ayaa waxaa halkaasi katirisay Abwaanad. Xaliimo Neero. Gabagabadii ayaa munaasabdii halkaasi kadhacday waxay ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan, dadweynaha labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ayaa aad usoo dhaweeyay dhamaynta khilaafka Galmudug iyo heshiiska lagu balansanyahay ee lagu dhamaynayo dhibaatooyinka soo noq noqday ee kadhacay magalada Gaalkacyo. C/aziz Xogolof Galmudug State of Soomaaliya
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||