Faah faahin Ku Aadan Qaraxyadii Idaacadaha Magaalada Gaalkacyo Iyo qaarkamidah Wariyaasha oo telefanka looga hanjabay

Jan,17,2010 www.Hobyoradio.com

Faah faahin Ku Aadan Qaraxyadii Idaacadaha Magaalada Gaalkacyo Iyo qaarkamidah Wariyaasha oo telefanka looga hanjabay.

Kadib Qaraxyo Lagu Ekeeyey Idaacadaha Magaalada Gaalkacyo aya waxaa haatan hanjabaado dhanka Telefanka ah loojeedinayaa Wariyayaasha Gaalkacyo kahowlgala.

Qaarkamidah wariyayaasha ayaa qadadka telefanada laga soowacay iayadoo lagu leeyahay hadaydaan daynin saxaafada waa laydin dilayaa.

dhinaca kale habeenkii xalayto ayaa Wariye C/wali washiton waxaa magalada Galkacyo gudeheeda looga qaatay qalab uu  wax lku duubo oo loo isticmaali warbaahinta iyo Mobilkii.

asgoo Rasaas xariir ah lagu riday laakiin Nasiib wanaag rasaastaas ay hareera martay Wariye C/wali washiton

mar aan wax kawaydiinay weerarka lagu sooqaday wariye C/wali washiton ayaa waxa uu sheegay in uu asaga xataa uu san wax ka ogayn laakiin ay ahayeen dad wax magarato ah

Arintaan ayaa waxay imaanaysaa ayadoo xalay qarax lala eegtay Xarunta Idacada Hobyo Radio ee magalada Galkacyo qaraxaasna uu kudhaawacmay Wariye faysal xabeeb jaamac oo katirsan wariyayaasha Idacada Hobyo Radio ee magaalada Galkacyo

 

W/D:Rooble Maxamed Dirir
rooble771@hotmail.com
W/tafaftiray Agaasime

Siciid Jaani SiciidJaanii@hotmail.com

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com