Dadweynaha Magaalada Gaalkacyo oo Walaac Kamuujiyey Dagaalada Kasoocusboonaaday Qaybo Kamidah Gobolada Dhexe ee Dalka Somaliya

Jan,12,2010 www.Hobyoradio.com

Dadweynaha Magaalada Gaalkacyo oo Walaac Kamuujiyey Dagaalada Kasoocusboonaaday Qaybo Kamidah Gobolada Dhexe ee Dalka Somaliya
 

 
Dadweyne Aad u farabadan kana qaybqaadanayey barnaamijka Dood Furan ee Idacada Hobyo Galmudug Soamaliya ayaa firado kala duwan waxay kabixiyeen dagaalo u dhexeeya Culuma Udiinka Ahlusuna Waljamaaca Iyo Kooxda Alshabaab islamarkaasina haatan kasoconaya Qaybo kamidah Gobolada Dhexe ee Dalka Somaliya
 
 
Dadkaan ayaa mar ay qadadka taleefanada Barnaamijka Oga qaybqaadanayeen waxay sheegeen dagaaladaasi ay yihiin kuwo aad loogo xumaado islamarkaasina ay kubaaqayaan in si deg deg ah loojoojiyo dhiiga Shacbiga
 

Sidookale dadkaan oo qaarkood ay sitoos ah Istuudiyaha Idacada ugusugnaa ayaa sheegay in ay dhawaan samayndoonaan dibad baxyo ay kamuujinayaan sida ay oga soohorjeedaan dagaalada haatan kasoocusboonaaday Qaybo kamidah gobolada dhexe ee Dalka soamliya

 
Arintaan ayaa imaanaysa Xili dagaalo u dhexeeya Culumada Ahlusuna Iyo Xarakada Alshabaab ay kasoocusboonaadeen qaybo kamidah gobolada dhexe ee dalka oo ay kamidyihiin Dhuusa mareeb Baladweyne Iyo deegaano kale


W/D:Rooble Maxamed Dirir
rooble771@hotmail.com
W/tafaftiray Agaasime

Siciid Jaani SiciidJaanii@hotmail.com

 


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com