Saraakiisha amaanka oo Sheegay in ay Kuraadjoogaan Falal Qaraxyo ah oo 48 saac ee Ugu danbeeyey Gaalkacyo Kadahacay

Jan,12,2010 www.Hobyoradio.com

Saraakiisha amaanka oo Sheegay in ay Kuraadjoogaan Falal Qaraxyo ah oo 48 saac ee Ugu danbeeyey Gaalkacyo Kadahacay
 
Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee Dowlad Goboleedka Galmudug Xasan faarax kaarshe oo u waramayey Barnaamijka Xulashada ee Idacada Hobyo ayaa faah faahin kabixiyey Ilaa Iyo haatan waxa ay kaqabteen Falal Qaraxyo ah oo 48 saac ee lasoodhaafay Magaalada Gaalkacyo kadhacayey
 
Xasan faarax Kaarshe oo arintaasi kahadlayeyna waxaa uu sheegay in ay haatan ay kuraadjoogaan dad lagu tuhunsansanyahay Qaraxyadaasi islamarkaasina haatan lasamayndoono howlgal ay kaqaybqaataan ciidamada daraawiishta islamarkaasina lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Gaalkacyo oo haatan ay kusuganyihiin wafdi Sare oo kasocda Dowlada KMG Somaliya
 
Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya xili Magaalada Gaalkacyo ay kadhacayeen qaraxyo isdabajoog ah oo kii ugudanbeeye caawa uu kadhacay meel u dhow hotel ay gaalkacyo kadaganyihiin wafdiga Dowlada KMG ee Somaliya.


W/D:Rooble Maxamed Dirir
rooble771@hotmail.com
W/tafaftiray Agaasime

Siciid Jaani SiciidJaanii@hotmail.com

 


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com