![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Abaaro Xoogan oo Laga soo Sheegayo Deegaano Hoostaga Gobolka Hobyo ee Dawlad Gobaledka Galmudug State Jan,11,2010 www.Hobyoradio.com Abaaro Xoogan oo Laga soo Sheegayo Degaano Hoostaga Gobolka Hobyo ee Dawlad Gobaledka Galmudug State Abaaro xoogan ayaa laga sheegayaa deegaano katirsan dhulka Maamulka Galmudug waxaana Deeganada abaaruhu ay saameeyeen kamid ah deeganka kal cad iyo jilable Sida uu idacada hobyo ugu warbixiyay C/laahi Xasan oo katirsan dadka dagan deeganada ayaa sheegay in dadkii iyo duunyadii halkaas ku noolayd ay abaar xun Saamaysay asagoona sheegay in dadka biyo la'aan iyo xoolaha oo daaq la'aan ay haysato Sidookale C/laahi ayaa hadalkiisa ku siidaray in abaartu ay dadka halkaas ku nool ay ka muuqato Iyo xoolahaba asagoo sheegay in ay wax Hayad ah aysan dadkaas u imaan C/laahi oo hadalkiisa sookobaya ayaa Hayadaha samafalka ugu baaqay in ay dadka abaartu Ay hayso oo kunool degaanka kal cad iyo jilable ay gaarsiiyaan gargaae dag dag ah Ugu danbayntii degaanada abaraha laga shegayo ayaa waxa ay hostagaan maamulka Galmudug State Xarunta Maamulka Glamudug ee Galkacyo ayaa waxa ay ugu aadan yihiin jiha ahaan Koonfur Bari ,
Agaasime siciid jaani Idaacada Hobyo Galkaio Glamudug state of Somalia
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||