GUULEEYSO WADANIGA DALKIIS JECEYL.‏. By. Xasan Carab

Jan,11,2010 www.Hobyoradio.com

GUULEEYSO WADANIGA DALKIIS JECEYL.‏. By. Xasan Carab

 

Qoraaga Weyn ee Soomaaliyeed Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)

 

GUULEEYSO WADANIGA DALKIIS JECEYL.

 

  -Alloow Nabad Ayaan Irri.
     -Gar-gaar Dhoow Ayaan Irri.
     -Galad Eebee baan Irri.
     -Guul Weyn ayaan Irri.
     -Guri Nabad Ayaan Irri.
     -Somaali Alloow Nabad Irri.
 
 
     -Sharci Xaq ah Alloow Irri.
     -Distoorkeen Shareecadda Alloow.
     -Kuwii Raaca Nebigii Alloow Irri.
     -Kitaabka iyo Sunadu Wahelkeen Alloow Irri.
     -Dulmi Diidneey Alloow Irri.
     -Sheeydaan iyo Shirkii Reeban Alloow Irri.
 
 
     -Qurun iyo Qabyaalada Alloow Maya.
     -Qas iyo Qasaare Alloow Maya.
     -Qalo-Qalo Ku Duul Alloow Maya.
     -Qeylo iyo Dhiig Quban Alloow Maya.
     -Qalooc iyo Qab Sheydaan Alloow Maya.
 
 
     -Hogaan Xaq ah iyo Halyeey Alloow Irri.
     -Heegaan oo Dadkiis Jeceyl Alloow Irri.
     -Horseed Wacan Alloow Irri.
     -Hogol Roob Alloow Irri.
     -Hilin Nabad iyo Hooy Barwaaqo Alloow Irri.
     -Hadiimo Bello Iyo Hillin Oodan Maya Irri.
 
 
      -Ummadda Siman Alloow Irri.
      -Ummadda Mida Alloow Irri.
      -Sida Ul iyo Diirkeed Alloow Irri.
      -Danahood Mid Qurra Alloow Irri.
      -Daacad oo Dalkood Jeceyl Alloow Irri.
      -Diintuna Mudnaan Koow Alloow Irri.
 
      -Maya Tallo Shisheeyaha..
      -Maya Gumeeysi Raacyadda.
      -Maya Garaad Xumme.
      -Maya Gumaade iyo Gasiin Doon.
      -Maya Xasuuqe iyo Xaq-soor Diid.
      -Maya Duli iyo Rafiiqiis.
 
 
      -Guuleeyso Wadaniga Dalkiis Jeceyl.
      -Guuleeyso Wanaag iyo Samaan Wadde.
      -Guuleeyso Dulmi iyo Xumaan Diid.
      -Guuleeyso Caqli iyo Aqoonyahan.
      -Guuleeyso Gurmad iyo Gar-gaar Wade.
      -Guuleeyso Ciida iyo Dadkaba Jeceyl.
 
      
     FIIRO GAAR AH:-Bahdda Suugaanta Raali Gelin Gaar ah.
 
 
     -Jacburiye-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
     -England-UK- 08/01/2010.
     -sharifhassan50@hotmail.co.uk

 


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com